X

Maxaa sababay taageerada madaxweyne Farmaajo ka helayo gobolo maamulkiisu aan gaarin: SAWIRO

Waxa maalmihii u dambeeyay banaanbaxyo dadku iskood isku abaabuleen ay ka dhaceen gobolka Sool, ayadoo gobolada Butlaan ay aad u kacsan yihiin rabaana inay muujiyaan in horjooge Siciid Deni matalin iyaga.

”Mida ugu weyni waxa weeyi qofku markuu waayo lahaansho waxa keliya ee uu samayn karaa inuu taageero u muujiyo halka matalaadiisu joogto inuu taageero xataa ayadoo ayna jirin waxqabad muuqda ayuu yiri Xuseen Warsame.


Banaabaxyada ka dhacaya gobolka Sool waxay ku qotomaan arintaas waayo dadka ayaa u jeeda in iftiin yar u soo baxay ayna rabina iinuu ka dumo, waxayna arkayaan sida ajaanibtu u rabin in iftiinkaasi sii jiro ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

”Hadda askarigu wuxuu qaataa 300 oo doolar xilligii fadhiid Xasan Sheekhna wuxuu silici ku heli jirey boqol doolar. Hadda waxa taliyeyaasha ciidanku qaataan 1500 halka awal 200 oo doolar ay qirinqiir ku heli jireen.


Dalka ma jiro mucaarad laakiin waxa jira kooxo ajaanibtu wadato oo raba inay la wareegaan talada dalka waana ta kicisay malayiin Somali ah inay taageero u muujiyaan madaxweynehooda ayagoo dareensan in dalku dhismayo habna yaraatee.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.