X

Maraykanka oo dalka keensanaya ciidamo ajaaniba yaase fasaxay

Maraykanka ayaa sheegay inuu dalka keenayo ciidamo ajaaniba oo sida la sheegay uu fasax uga haysto fadhiid qabiilayste Xasan Culusow oo iyagu keensadeen sanadkii hore bartamahiisa. Qoraal uu soo saaray Maraykanku ayuu ku sheegay inuu Berbera keensanayo ciidamo.

Su’aasha dad badan is weydiinayaan ayaa ah yaa u fasaxay inuu ciidamo keensado dal xora dhoolatusna ku sameeyo qaybo ka mida, ayadoon fasax laga haysan.



”Jawaabta saxda ah ayaa ah waxay keensadeen Xasan Culusow (Xasan Beenaale), waxaanad xasuusataa in maalintii ay doorteen maalintii ku xigtey ay askartu dib ugu soo noqdeen dalka ayadoo loo baahnayn ayuu yiri Cali Calasow.



Maraykanka oo qayb ka ah mashruuca Berbera oo uu horboodayo Ingiriisku lacagtana ay bixinayaan Imaaraadku ayaa rabaa inay gobolada Woqooyi u isticmaalaan sida Yukrayn. Ujeedadu waa inay helaan saldhig bilaa lacaga oo cidkale la deganayn si fududna ku degaan maadaama ay qorshaha Berberea ee Imaaraadku ka wado aya qayb ka yihiin.



Si kastaba ha ahaatee waxay tani abuuraysaa in Maraykanku toos qayb u noqonayo siyaasada Somaliya oo hadda laga bilaabo ugu yaraan inta Xasan Culusow joogo ay siday rabaan ka yeelaan, taas oo halis ku ah madax banaanida dalka.



”Somaliya weligeed xor ma noqonayso inta ay joogaan ciidamo ajaaniba, dhoolatuskan haba yaraatee wax faaiido ah uguma jirto qaranka ayuu qabaa Xuseen Warsame aan ka ahayn shilimaad uu dalka ku iibsaday Xasan Culusow (Xasan Beenaale).

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.