X

Weerar ay Canfar soo qaaday oo looga diley tiro gunti gaaba ah

CANFAR LA DILEY

Ciidanka Somali galbeed oo ka jawaabaya weerar maalin dhaweyd ay Canfartu ku soo qaaday dad shacaba oo deganaa tuulada Garbo-ciise ayaa cagta mariyay weerar kale oo Canfarta askartoodu soo qaaday. Ugu yaraan lix ayaa looga diley Canfara. Canfartaas oo markii dambe meydkooda la soo bandhigey.


Dagaalkan oo muddo goos goos ahaa ayaa ciidanka Somali galbeed iyo dadka shacabka oo abaabulan ay dib ugu qabsadeen tuulada Garbo-Ciise oo maalinta dhaweyd Canfartu haweenka iyo caruurta ku xasuuqday.

Ciidanka dawlada dhexe ee degan aagan ayaa aad u tirayar, waxana loo baahday in ciidanka Somali galbeed difaacaan dadkooda inta la dhamaynayo xiisadan ka dhalatay markii Cabdi Iley dhul Somaliyeed ku wareejay Canfar.


Cabdi Iley ayaa sidoo kale dad Somali ah ka saaray Somalinimada. Inkastoo dadka dagaalmaya ay yihiin isla dadka wada degan ama jaarka ah haddana waxa dabada ka riixaysa maamulka taagta daran ee Canfarta.


Waxa loogu baaqay madaxweynaha Canfarta, kan Jabuuti iyo madaxweyne ku xigeenka Somali galbeed Mustafe Cagjar inay dhameeyaan dagaalkan ayagoo la kaashanaya dawlada dhexe. Dagaaladan u dambeeyay ayaa dadka ku dhimanaya ay yihiin xoola dhaqato labada dhinaca.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.