Lamu-Kiiniya ayaa ku dhawaaqaday in sanadkan aakhirkiisa ay darbi weyn ka hirgelin doonto xadka beenta ah ee u dhexeya Somaliya iyo Kiiniya. Kiiniya ayaa hore u boobtey badda Somaliya ee saliida ku jirto hadana waxay si dadban rabtaa in ay dhulka Somalida ku xalaashato.
Gudoomiyaha Jaziirada Lamu Ciise Timamy ayaa sheegay in dhismaha gidaarkan la dhameyn doono dhamaadka sanadkan, isagoo xusay in ujeedku yahay sidii looga hortagi lahaa weerarada ka imaanaya Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in darbigan weyn uu ka caawin doono sidii looga hortagi lahaa dadka sida sharci darada ku soo galaya dalka Kenya ee ka imaanaya Soomaaliya.
Kiiniya ayaa ku marmarsiiyoonaysa in ay argagixisada shabaab u diideyso in ay toos u soo weeraraan iyo waliba soo galootiga ka imanaya Somaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay