Hargeysa–Maamulka gooni goosadka ee Hargeysa ayaa ka gariiray kulan dhexmaray madaxweynaha Khaatumo State iyo Xasan Sheekh oo ay ku weheliyaan wasiirada Khaatumo ugu jira dawlada dhexe.
Warar ayaa sheegaya in wasiirada beesha dhexe uga jira dawlada dhexe sida ku xigeenka raiisal wasaaraha iyo wasiirka dekedaha iyo gaadiida Nuur Faarax Xirsi ay iyaguna ku biirayaan kulanka Isyanbul ee u dhexeeya Xasan Sheekh iyo gooni goosadka Hargeysa.
Mar wax laga waydiiyay siday u arkaan kulanka dhexmaray Prof Cali Khaliif iyo Xasan Sheekh ayaa maamulka gooni goosadka ku soo koobay ”wali faahfaahin dheeraada ma hayno marka hadda jawaab idiinma hayno.
Waxayse sheegeen in ay jecelyihiin in ay Turkiga iska xaadiriyaan kulamadaas oo noqday mid taageerayaasha gooni goosadku ku farxaan una noqda wax ay aduunka ka iibgeeyaan iyagoo yidhaa sidii laba dawladood ayaan u wadahadalney.
Dhinaca kale Xasan Sheekh oo fadhiid ah siyaasad iyo hogaamin dal labadaba ayaa diiday in uu dadka reer Woqooyiga ah ku soo daro waxa loo yeero wadahadalka bugta ah ee ”Somaliya iyo Somaliland” oo dadka u cad in ay tahay wax aan khuseyn dadka majooratiga ah ee reer Woqooyiga kuna kooban kaliya labada beelood ee is magacaabay.
Gooni goosadka ayaa sugaya jawaab ka soo baxda kulankaa dhexmaray Xasan Sheekh iyo maamulka Khaatumo State oo shalay dagaal xun ku dhexmaray jiida Saaxdheer.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS