Iyadoo ay jirto casbsida cudurka Iboola kadib markii uu cudurku soo galay dalka Yugandha una dhinteen haweenay iyo ilmo shan jira, waxa aad loo adkeeyay xuduudaha laga soo galo dalka.
Haweenayda iyo ilmahaa yar ayaa iyagu Yugandha ka soo galay dhul iska banaan oo aan cidi aan ilaalin waana ta keentay halista sida fudud ee cudurkaan ku faafayo.
Jamhuuriyada Koongo oo cudurkani faro ba’as ku hayo ayaa waxa ku dhintey ila 1400 qof oo sii kala qaaday. Cudurkan ayaa sida kaliya ee lagu xanibo uu yahay in la takooro dadka qaba ayadoo cid booqan kartaa ayna jirin.
Hadaba wasiirada caafimaadka ee Kiiniya ayaa sheegtay in haweenay looga shikiyay cudurkaas dhiigeeda la baaray lagana waayay cudurkaas. ”Waxaan idiin sheegayaa in haweenaydaa anay qabin cudurka ayay tiri.
Somaliya oo ciidamo Afrikaana ka joogaan dalka ayaan welli jirin baraarujin ku saabsan cudurkan ayadoo dalku iska furan yahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay