Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo la sheegay sida uu u geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalkaas Masar ayaa la xaqiijay geeridiisa. Maxamed Mursi oo hogaamiye u ahaa ururkiisa akhwaan Muslimiin oo ku xukunaa 7 sanno ayaa saaka hor yimi maxkamad ku taal dalkaasi.

Sida uu sheegay telefishanka dalkaasi Masar Maxamed Mursi oo ahaa 67 jir, ayaa iskala garan waayay xilliga uu taagnaa maxkamada oo ahayd inuu ka hadlo eedaymaha loo jeediyay laakiin dhulka ku dhacay kadibna ay sheegeen in naftu ka baxdey intii loo waday isbitaalka.



Lama garan karo in hore loo soo sumeeyay iyo in kale iyo in uu qabay xanuuno kale oo la diidey in la daaweeyo. Madaxweynaha Turkiga iyo Amiirka Qadar oo ay isku urur diimeed yihiin ayaa iyagu ku sheegay dhimashadiisa SHAHIID.

Meydka Maxamed Mursi ayaa la geeyay isbitaal ku yaala Qaahira lamana hubo in la baari doono sababta saxda ee uu u dhintey.



Wuxuu ahaa madaxweyne ku yimi doorasho xalaala waxase doorashadiisa diidanaa Wahaabiyada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Yuhuuda oo ku bixiyay balaayiin doolar sidii xukunka looga tuuri lahaa.

Wakiilka ururka Akhwaan Muslimiin ayaa isagna sheegay in loo diidey in la siiyo daawo, xataa eheladiisa loo diidey inay arkaan ama ogaadaan xanuunka haya.



Inkastoo ururka akhwaan Muslimiintu yihiin urur diimeed nadiifa hadana waxa laga cararay markii ay xalaaleeyeen is-qarxinta qaasatan dagaalka Xamaas kula jirto Yuhuuda.



Culimada akhwaanka ayaa markii dambe sheegay in is-qarxintaas ku ekayd kaliya Yuhuuda haddana ay mamnuuceen gebi ahaanba. Waxa is-qarxinta iyo Muslimiinta oo la gaaleeyo la soo baxay Wahaabiyada/Salafiyada uu taageero Sucuudigu.

Waxa isla caawa salaada jinaasada ee maqnaanshaha looga tukaday marinka Qaza halka beri oo salaasa ah 18/06/2019 masaajida Turkiga oo dhan looga tukan doono.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...