X

Kiiniya oo markale diidey inay ka baxdo Jubbada Hoose

Kadib weerarkii maleeshiyo ay Kiiniya soo hubeysay ay ku qaadeen Beled-xaawo ayaa waxa isa soo tarayay dhawaqa ah in KIiniya laga saaro dalka. Waxa dhinaca kale isa soo taraya in maxkamad la soo taago Axmed Madoobe oo maleeshiyada soo direy.


Haddaba Kiiniya ayaa markale ku celisay inayna ciidamadeeda kala baxayn Kismaayo iyo nawaaxigeeda ilaa ururka Afrika soo amro mooyee, taas oo ka dhigin inayna dheerayn in dibedda loo saaro.

Kiiniya ayaa rajo weyn ka qabta in madaxweyne Farmaajo lumiyo doorashada kadibna ay ku xaarto dalka maadaama uu bedeli doono horjooge u daacada oo ku dhexjira kooxda sheegata madasha musharixiinta.


Somaliya ayaa u dhow inay cagaheeda ku istaagto waa haddii ay doortaan madaxweyne Farmaajo markale, iyadoo hadda kooxda sheegata beesha caalamka ay ku talojiraan inay si kastaba yeelaan si aan Farmaajo u soo noqon.


Si kastaba ha ahaatee waxa hubaala in xilligii Kiiniya ay sii joogi lahayd Kismaayo uu soo dhamaanayo kadibna la xisaabtami doono.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.