X

Kiiniya oo mudada u kordhisay Axmed Madoobe

Kadib kulan ay Kiiniya ku qabatay Kismaayo ayaa hal sano loogu daray Axmed Madoobe oo mudadii ay dawladii hore u kordhisay ay dhamaatay. Kiiniya ayaa ka faaiideysanaysa maamulka Xasan Culusow oo dhiskeeda ay qayb ka ahayd.


Siyaasiyiinta reer Gedo ee awal la jiray Axmed Madoobe ayaa shir ku qabtey ayagoo baryo u diray Xasan Culusow inuu soo farogeliyo, waxase muuqata inay cidlo guurayaan.


Axmed Madoobe ayaa Kiiniya ku haysaa Kismaayo inta ay joogtaba, waxayna Kiiniya hilfaha u qaaday isku dayo lagu doonayay in xilka looga qaado oo mar uu isku day Xasan Culusow aakhirkiina uu is dhiibay bedelkeediina uu dhisay maamul uufeedyo beeshiisa ah.



Si kastaba ha ahaatee siyaasiyiinta Kismaayo ka soo jeeda ayaan hadda tagi karin Kismaayo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.