X

Kiiniya oo rabta inay aasto xasuuqii gobolka Gedo dibna u furto duulimaadyada: XOG

Kadib markii Kiiniya ku fashilantey inay la kulanto wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble ayadoo ujeedadu tahay inay kala jabiso dawlada ayaa waxa jira kulamo docoodyo hoose socday, waxase soo dhexgalay xasuuqa ay gaysatey.


Xogta aan helayno ayaa sheegaya in Kiiniya rabto inay dejiso xiisada ka dhalatey xasuuqii ay ka gaysatey gobolka Gedo halkaas oo ay ku dishey hooyo iyo wiilkeeda ayna burburisay hanti shacab.

Waxa intaas dheer waxay lacag ku bixisaa sheekada askarta tababarka loogu qaaday Eritariya inay ku damiso xiisada iyada ku wajahan. Waxase hadda u dambeeyay xog sheegaysa inay rabto inay dib u furto duulimaadyada.


Waxa jirta waraaqo wareegaya suuqa oo sheegaya inay Kiiniya furtey duulimaadyada maadaama khasaare weyn ka soo gaaray oo Somalidii Kiiniya soo mari jirey hadda u wareegeen Itoobiya.

Kiiniya ayaa bishii hore amartey Axmed Madoobe inuu saxeexo heshiiskii doorashada ee sanadii hore ayadoon waxba laga bedelin ayadoo ka ka dhigeysa in madaxweynaha qaranka yahay kan caqabada ah.

C/llahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.