X

Kiiniya oo si qarsoodi ah ku soo gelisay horjooge xigeen hore

Ciidamada Kiiniya ayaa si qarsoodiya ku soo geliyay gobolka Gedo horjooge xigeenkii hore ee maamulkii Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo oo ilaa hadda sheegta cinwaankaas hore. Maxamuud Sayid ayaa ciidanku Ka soo geliyay inta u dhaxaysa Luuq iyo Ceel-waaq.


Kiiniya ayaa Axmed Madoob ku haysa Kismaayo ilaa haddana wey diidey in maamul saxa loo sameeyo dadka Jubooyinka, taas oo wax u dhimeysa horumarka gobolka guud ahaan.

Ciidanka Kiiniya ee sida qarsoodiga Ku soo geliyay Maxamuud Sayid ayaa muujinaya inay sidey doonaan dalka ku soo geli karaan waxay rabaan maadaama iyaga iyo argagixisada ay Ka mideysan yihiin la dagaalanka dawladnimada.


Maxamuud Sayid ayaa wada lacag uu siiyo odayada Gedo si ay u taageersan Axmed Madoobe xilli uu sheegtay inuu dib u soo ceshaday ciidamo la goostey kadib markii uu siiyay lacag.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.