X

Xildhibaan ka badbaaaday dil oo saxaafada la hadley

Xildhibaan ka tirsan maamulka Butlaan ayaa saxaafada la hadley sheegayna inuu ka badbaadey dil xilli uubka degay gaarigiisa. Xildhibaankan ayaa ka mida xildhibaanada diidanaa in xilka laga qaado gudoomiyihii hore ee barlamaanka Butlaan.


“Waxay u muuqataa in horjooge Siciid Deni uu bilaabay ugaarsiga ragga qaba fikirada xorta ah ayuu yiri Cali Calasow oo Ka faalooda siyaasada gobolada dhexe iyo Koofurta dalka.

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Faarax Maxamed Dalmar ayaa sheegay in weerarku dhacay xilli uu gaarigiisa kaga hordegay gurigiisa kadibna rasaas lagu furey valse uu deg-deg Ku galay gurigiisa.


Waxase nasiib wanaaga in ragga rasaaseeyay xildhibaanka ay arkeen  raadkooda rag uu Ku jiro gudoomiyihii hore ee Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

Rasaasta lagu furey xildhibaanka ayaa kor u qaadaysa xiisada ayadoo Siciid Deni lagu eedaynayo inuu xarig iyo cagajugleyn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.