Kiiniya oo ka faaiideysanaysa burburka dalka ayaa si toosa faraha ugula jirta arimaha siyaasada ee dalka. Waxay maanta oo u dambeysay qoraal ay la wadaagtey saxaafada ku sheegtay inay xafiis ka furanayso Hargeysa haddii madaxweyne Farmaajo doorashada waayo.
Qoraalka oo lagu sheegay is af-garad uu la gaaray horjoogaha maamulka Somalilaan ayaa ujeedadiisu ahayd in la sii xumeeyo xiriirka labada dal ee Somaliya iyo Kiiniya.
Tan ugu sii daran ayaa qoraalka lagu sheegay in xubno horjooge Muuse Biixi soo xuley ay waraaqaha maamulka ku tagi doonaan Nayroobi oo dal-kugalka lagu siin doono madaarka Nayroobi. Xubnahan ayaa noqon kar qoyska Muuse Biixi iyo weliba siyaasiyiinta beesha dhexe.
”Kiiniya ma dooran inay xiisada dejiso waxayse dooratey inay jufooyinka dalka hal-hal xiriir ula samaysato ayuu yiri Xuseen Warsame.
”Kiiniya ayaa sheegtay in arimahan oo dhan ay dhici karaan haddii madaxweyne Farmaajo uu doorashada waayo isagoo rajaynaya inuu soo baxo mid ka mida kooxda madasha musharixiinta.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS