X

Weerarkii oo la soo afjaray iyo waa shaki la’aan in burbur ku yimi sirdoonka

Wararkii u dambeeyay ee aan ka helayno huteel Xayaad ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hadda oo ku dhow 10 habeenimo la soo afjaray weerarkii fuleynimo ee dhiigmiiratadu ku qaaday.


”Waxaan shaki ku jirin in burbur xoogan ku yimi sirdoonkii qaranka ee ogaan lahaa arimaha noocana, weliba goobta huteelkan ku yaalo ay tahay goob halbowle u ah isku socodka madaxda ayuu yiri C/qaadir Cadow. Waxana cad in huteelka laftiisa lagu sii diyaariyay qaraxa ayuu raaciyay C/qaadir Cadow.

Goob sidaa loo ilaaliyo ma ogaan waayeen gawaadhida goobta galaysa iyo cida ay yihiin, Yaan been laysku sheegin waxa arintani toos u galaysaa Mahad Salaad oo hadda si cuqdada loogu dhiibay sirdoonka ayuu qabaa Cali Calasow.

”Yaa marka laga aargoosanayaa ma dadkii ku shiraayay huteelka oo la ogaa mise waa cidkale. Waxa kale la sheegayaa in qaar ka tirsan argagixisada ay si caadiya uga soo baxeen huteelka. Taasina maxay ku tusinaysaa ayuu raaciyay Cali Calasow.



Ilaa hadda lama sheegin tirada rasmiga ee goobtan lagu xasuuqay, ayadoo la sheegayo in qaraxyo uu amray Mahad Salaad ay dileen dadka ugu badan halka huteelkana ay sii burburiyeen. Lama oga goobta qaraxa lala eegtay in dad shacaba ku jiraan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.