Thursday, October 17th, 2019
header

Koobka naadiyada Yurub oo sanadkan hal wadan wada ciyaarayo iyo sababta

Ingiriisku wuxuu ka mid yahay wadamada ugu ciyaarta liita Yurub mana dhaafaan wareega koowaad haday ugu bataana waxay gaaraan wareega labaad koobka aduunka iyo xataa koobka Yurub laakiin dhinaca naadiyada Yurub sanadkan waxa ciyaarta kama dambeysta taagan afar naadi oo ka dhisan dalkaasi.



Afartaas naadi ee sanadkan taagan labada horyaal ee naadiyada Yurub hal mooyee sadexda kale waxa leh taajiriin ajaaniba oo geliyay maalkooda dhisayna sadexdaas kooxood. Kooxda Liverpool iyo Arsenaal waxa wada leh taajiriin ka soo jeeda Maraykanka iyo Ruushka.

Halka kooxda Chelsea uu leeyahay taajir Ruusha oo iibsadey markii kooxda uu soo kiciyay ciyaaryahankii caanka ahaa ee reer Holland Ruud Gulit oo ka tagey ciyaaryahano karti leh oo wada ajaaniba.



Kooxda kaliya ee taajiriin asalkoodu ka soo jeedaan wadamo kale laakiin Ingiriisa ay iskugu tageen oo baryahan kulul  waa Tottenham ama Isbeeris (Spurs) oo iyadu weligeed iman horyaalada Yurub.

Sadex naadi waxay ka dhisan yihiin caasimada Ingiriiska halka naadiga Liverpool uu ka dhisan yahay magaalo webiyeedka Liverpool ee Woqooyiga Ingiriiska oo ay iman jireen badmareenadii Somalidu ama adoomaha looga dhoofin jirey Maraykanka.



Hadaba sidee ku timi guulaha afartan naadi ee badankooda ajaanibtu leedahay.

Waa tan koowaad ee ugu uhiimsan oo ah in ciyaaryahanada dhamaan ay ka yimaadeen aduunka oo dhan ayna wada yihiin ajaanib aan u dhalan Ingiriiska iyo taajiriinta leh oo si xooga u maalgeliyay soona jiitey ciyaaryahanada laacibiinta ee aduunka.

Ta kale Waxa ciyaaryahanada aduunka ku soo jiidanaya horyaalka Ingiriiska oo ah kan ugu caajisan aduunka waa cadadka lacageed ee ay qaadanayaan oo baryahan xad dhaafa iyo dhinacii luqada.

Waxa iyana jirta in dhamaan tababareyaasha kooxahaasi ay yihiin ajaanib maadaama ayna jirin tababareyaal tayo leh oo Ingiriisa.



Ingiriiska ayaa ku ooya inay lacagtii ajaanib wada qaataan ayna jirina ciyaaryahano tayo leh oo u dhashay dalka oo ka soo dhex baxaya naadiyada oo xataa goolhayaha uu yahay ajaanib.

Laakiin qofkii raba tayo kubadeed waxa u fiican inuu waqtiga ku lumiyo naadiyada wadamada Baraasiil, Spain, Talyaaniga iyo Jarmalka.



Ciyaaraha Ingiriiska ayaa aad looga daawadaa wadamada uu gumeystay sida Kiiniya, Nayjeeriya iyo kuwa kale. Somalida oo awal la socon jirtey ciyaaaha Talyaaniga iyo Jarmalka waxa dhalinta baray idaacadooda BBC sanadihii burburka kadib. Waxanad moodaa inay sharaf u arkaan ka hadalkooda iyo faafintooda.

Gumeysigii xooga ayaa isku bedelay kii maskaxda waxana jira idaacado gudaha ah oo sii gudbiya gumeysigaas maskaxda ee idaacadaha reer galbeedka sida BBC iyo VOA.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Hay’adda isku xirka bulshada ee Turkiga iyo mashruucyada ay Somaliya ka fuliso

October, 17, 2019
Hay'adda isku xirka bulshada ee Turkiga ee loo ...

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadley ujeedada safarkiisa Maraykanka

October, 16, 2019
Rasiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley ...

Taliye ka hadley sida RABI uga badbaadiyay isku day dil

October, 16, 2019
Sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska ee magaalada dilka ...

Maamulka Muuse Biixi oo ka hadley ciidan ka goostey

October, 16, 2019
Maamulka Somaliland ee uu Ka taliyo horjooge Muuse ...

Qisada qoys Holandays ah oo been loogu sheegay aduunyo gadoon oo la helay

October, 16, 2019
Tuulo ku taala dalkaasi Holand ayaa laga badbaadiyay ...

Dhacdooyinka

Dawlada Yaman oo wacad ku martey inay garaacdo Abu-dabay

September, 19, 2019
Dawlada Yaman ee ay hogaanka u hayaan Xuutiyiinta ...

Muuse Biixi oo hooyooyinka u sheegay inay muruqa muujiyaan

September, 17, 2019
Horjoogaha maamulka Somaliland oo Burco Ka furtey garoob ...

Safaarada Somaliya ee Kiiniya oo beenisay war jirdila

September, 15, 2019
Safaarada Somaliya ku leedahay Kiiniya ayaa beenisay in ...

Fadhiga suuli dahab ka samaysan oo la xaday iyo qiimaha uu taagnaa

September, 14, 2019
Fadhiga Musqul dahab Ka samaysan oo uu farsameeyay ...

Diyaarad bad ku dul socota iyo baylood bun ka daatey maxaa dhacay kadib?

September, 13, 2019
Diyaarad rakaab badan sida ayaa Ka soo duushey ...

Haad markii ugu horeysay ilmo yar ku cuney ismaamulka Somali Galbeed

September, 10, 2019
Haad ama galaydh kolba sida Somalidu u taqaano ...

Gabdho maqaayad ku leh Burco oo qarka u saaran inay ka guuraan magaalada: WARBIXIN

September, 7, 2019
Dhawaan ayay ahayd markii maqaayada Warsan ee magaalada ...