X

Koobka naadiyada Yurub oo sanadkan hal wadan wada ciyaarayo iyo sababta

Ingiriisku wuxuu ka mid yahay wadamada ugu ciyaarta liita Yurub mana dhaafaan wareega koowaad haday ugu bataana waxay gaaraan wareega labaad koobka aduunka iyo xataa koobka Yurub laakiin dhinaca naadiyada Yurub sanadkan waxa ciyaarta kama dambeysta taagan afar naadi oo ka dhisan dalkaasi.


Afartaas naadi ee sanadkan taagan labada horyaal ee naadiyada Yurub hal mooyee sadexda kale waxa leh taajiriin ajaaniba oo geliyay maalkooda dhisayna sadexdaas kooxood. Kooxda Liverpool iyo Arsenaal waxa wada leh taajiriin ka soo jeeda Maraykanka iyo Ruushka.

Halka kooxda Chelsea uu leeyahay taajir Ruusha oo iibsadey markii kooxda uu soo kiciyay ciyaaryahankii caanka ahaa ee reer Holland Ruud Gulit oo ka tagey ciyaaryahano karti leh oo wada ajaaniba.


Kooxda kaliya ee taajiriin asalkoodu ka soo jeedaan wadamo kale laakiin Ingiriisa ay iskugu tageen oo baryahan kululĀ  waa Tottenham ama Isbeeris (Spurs) oo iyadu weligeed iman horyaalada Yurub.

Sadex naadi waxay ka dhisan yihiin caasimada Ingiriiska halka naadiga Liverpool uu ka dhisan yahay magaalo webiyeedka Liverpool ee Woqooyiga Ingiriiska oo ay iman jireen badmareenadii Somalidu ama adoomaha looga dhoofin jirey Maraykanka.


Hadaba sidee ku timi guulaha afartan naadi ee badankooda ajaanibtu leedahay.

Waa tan koowaad ee ugu uhiimsan oo ah in ciyaaryahanada dhamaan ay ka yimaadeen aduunka oo dhan ayna wada yihiin ajaanib aan u dhalan Ingiriiska iyo taajiriinta leh oo si xooga u maalgeliyay soona jiitey ciyaaryahanada laacibiinta ee aduunka.

Ta kale Waxa ciyaaryahanada aduunka ku soo jiidanaya horyaalka Ingiriiska oo ah kan ugu caajisan aduunka waa cadadka lacageed ee ay qaadanayaan oo baryahan xad dhaafa iyo dhinacii luqada.

Waxa iyana jirta in dhamaan tababareyaasha kooxahaasi ay yihiin ajaanib maadaama ayna jirin tababareyaal tayo leh oo Ingiriisa.


Ingiriiska ayaa ku ooya inay lacagtii ajaanib wada qaataan ayna jirina ciyaaryahano tayo leh oo u dhashay dalka oo ka soo dhex baxaya naadiyada oo xataa goolhayaha uu yahay ajaanib.

Laakiin qofkii raba tayo kubadeed waxa u fiican inuu waqtiga ku lumiyo naadiyada wadamada Baraasiil, Spain, Talyaaniga iyo Jarmalka.


Ciyaaraha Ingiriiska ayaa aad looga daawadaa wadamada uu gumeystay sida Kiiniya, Nayjeeriya iyo kuwa kale. Somalida oo awal la socon jirtey ciyaaaha Talyaaniga iyo Jarmalka waxa dhalinta baray idaacadooda BBC sanadihii burburka kadib. Waxanad moodaa inay sharaf u arkaan ka hadalkooda iyo faafintooda.

Gumeysigii xooga ayaa isku bedelay kii maskaxda waxana jira idaacado gudaha ah oo sii gudbiya gumeysigaas maskaxda ee idaacadaha reer galbeedka sida BBC iyo VOA.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.