X

Kooxda argagixisada shabaab oo ay soo wajahday cabsi tii ugu xumayd abid iyo warbixin waafiya oo shaaca ka qaaday

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay sii kordheyn duqeymaha xagga cirka ah ee lagu beegsanayo horjoogayaasha kooxda Shabaab ayaa waxa ay ku abuurtay walaac iyo kala shaki soo kala dhexgalay, taasi oo keentay in dhexdooda ay isu adeegsan waayaan teleefonada gacanta looga hadlo oo ay ku xiriiri jireen.

Howlgal ay iska kaashadeen Sirdoonka Soomaaliya iyo kan Mareykanka ayaa 30-kii december ee sanadkii tegay waxaa lagu dilay Horjooge Cabdishakuur Tahliil oo ahaa Madaxii sirdoonka kooxda Shabaab, xilli uu ku sugnaa meel u dhaw deegaanka Saakow, kaasi xogta lagu dilay ay bixisay hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.