X

Kooxda beesha caalamka oo hoosta ka diidey qorshaha amniga ee Somaliya wadato

Ciidanka Xooga dalka Somaliya

Kooxda beesha caalamka ayaa diidey qorshaha amniga ee ay wadato dawlada hadda xukunka haysa ee madaxweyne Farmaajo kaas oo si cad ugu sheegay ururka amniga in soo jeedintan ay Kiiniya wadato ayna marnaba aqbalayn.


Haddaba xog hoose oo ay heshay ARAABINEWS ayaa sheegaya in ururka oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho aanu ogoleyn qorshaha amniga ee dalka martida loo yahay.


”Waa nasiib daro kooxda beesha caalamka waxay rabaan inay qaataan qorshe ay wataan Kiiniya iyo wadamada Afrikaanka ee askartu u joogto dalka, waxayna rabaan inay joogitaankooda sii dheeraystaan ayuu yiri xubin ka tirsan dawlada oo la hadlay ARAABINEWS.


Si kastaba ha ahaatee waxa hubaala inaan la qaadan karin go’aan ayna ogolayn dawlada hadda jirta. Kooxda beesha caalamka ayaa rabta inay horgale keensadaan ay ka fushadaan danahooda.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.