November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Kooxda madasha musharixiinta oo banaanbax rabshad wata ka dhigey Koofurta Gaalkacayo

Kooxda madasha musharixiinta ee ajaanibta ku xiran ayaa Koofurta Gaalkacayo ka abaabuley bananbax rabshad wata halkaas oo ay taayiro ku gubeen. Banaanbaxa ayaa booliiska magaaladu ka qabsaday hawshooda.



Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa isugu jirey haween iyo dhalinyaro ayaa qiiqa taayirada ay gubeen uu qabsaday magaalada. Waxay sheegeen inay ka cabayaan warar sheegaya in askar Somali ah ku dhinten Eritariya taas oo kooxda madashu maalmahan suuqa soo gashatey.



”Kooxda madasha musharixiinta ayaa diidan dawlad adag oo dhisanta waxayna qabyaalad u kala saareen ciidankii qaranka ee hawlaha tababar loo direy halkii ay ugu dambeyn lahaayeen dawlada ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS