X

Kooxda sheegata beesha caalamka oo fashilisay shirkii doorashada

Wasiirka warfaafinta dawlada dhexe ee Somaliya Dubbe ayaa dibeda soo dhigey waqti lumiskii baryahan ka jirey xerada Afisiyoone halkaas oo dawlada Somaliyeed muddada u fadhidey inay sugaan afhayeenada kooxda beesha caalamka.

Markii shirku socday muddo kooban ayay markiiba la soo shirtageen inayna shirka sii wadayn haddayna kooxdii gaalada ahayd e soo diratey shirka imaanin. Waxana dawlada u cadaatay in kooxdan beesha caalamkii u diyaar ahayn doorasho.

Hadda maxaa la gudboon dawlada

Dawlada waxa hadda la gudboon inay nidaamka doorashada dib ugu celiso golaha barlamaanka kadibna iyagu go’aan ka gaaraan. Waxay dagaal ugu jiraan sidii madaxweynaha hadda aanu u tartamin.

Waxase loo baahan yahay in barlamaanku kaalintiisa qaato oo u codeeyo in dalku galo doorasho xor iyo xalaala oo loo tartamo.

Hoos ka daawo

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.