X

Gaal kale ma soo degdegayo inta Turkigu saldhig ku leeyahay dalka

Turkiga ayaa wacad ku maray inuu ilaaliyo qaranimo dhuleed ee dalka, Turkiga ayaa saldhiga Afrika ugu weyn ku leh Muqdisho duleedkeeda, tana waxay walaac ku abuuraysaa Maraykanka iyo xulafadiisa Ingiriisku ugu horeeyo oo danahooda caadi uga fushada dalka qaasatan inta Xasan Sheekh ay soo cesheen.



Saldhiga Turkigu wuxuu Soomaaliya u yahay gaashaan ay kaga gabato xilli ay taag daran tahay hub ahaan ayuu qabaa Xuseen Warsame waana xaqiiq inaan lagu soo dhici karin ayuu raaciyay.

”Keliya waxay ku xiran tahay inay Soomaaliya dalbado hub intay rabto ayadoo lacagta hubkaasi ka raadsanaysa wadamada Carabta sida Kuwayd, Qadar iyo Ciraaq.  Waxaan ognahay in Imaaraadka oo Xasan watay hadda uu la jiro Itoobiya.



”Waxaan oran lahaa Xasan Sheekh oo runtii ah hogaamiye aad u diciifa inuu haddaba dalbado hubka, waxaa hubaala in Turkiga iyo Ruushku diyaar u yihiin ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

C/llaahi Warsame

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.