X

Korneyl Caare oo dagaal xoogan ku qaaday ciidanka maamulka Somaliland qabsadayna deegaano

Korneylka jabhadda Dulmi-diid Caare ayaa dagaal xoogan ku qaaday ciidanka maamulka Muuse Biixi ee ku sugan gobolka Sanaag soke gaar ahaan deegaanka Karin. Waxa la xaqiijay in halkaas qasaare soo gaaray ciidanka maamulka oo laga qabsaday deegaankaas.


Dhimashada ayaa lagu sheegay laba askari halka dhaawacuna intaas ka badan yahay. Maaha markii ugu horeysay ee korneylku dagaal fool ka foola ku qaado maamulla Muuse Biixi ee jeegaanta.


Ciidanka Korneyl Caare ayaa hadda Ceerigaabo u iira masaafo ka yar 13km. Muuse Biixi ayaa ciidan ka keensaday Awdal uu kula dagaalamo Korneyl Caare. Ciidankaas oo u badan dhalinyaro bilaa shaqo ah oo aan waxba ka ogeyn xiisada iyo siyaasada taagan ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.


Madaxda hogaaminaysa ciidanka Korneyl Caare sida Casayr Cabdulqaadir ayaa sheegay inayna waxba ka jirin wadahadal odayaal la galeen maadaama ciidankan iyo maamulka Muuse Biixi isku yihiin xaq iyo baadil.


Guulaha Korneyl Caare ayaa dhabarjab ku ah maamulka Muuse Biixi oo intii xukunka loo dhiibay aan wax faaiido ah dadku ka dheefin isku dir mooyee ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Kana ma Farmaajaa wada bal anagu wax aragnaye yuu ku eedayn doonaa.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.