X

Maxaa ka soo kordhey baaritaanada ka socda xarunta dawlada hoose ee Xamar

Khamiistii ayay ahayd markii markale kooxda gaalaynta Muslimiinta ee shabaab ay xasuuq ka gaysteen xarunta dawlada hoose ee Xamar. Waxa xasuuqaas ku shahiiday ilaa 7 masuul halka gudoomiyihii gobolkuna uu dhaawac xun soo gaaray.


Hadaba waxa baryahan lagu jirey baaritaano laga bilaabay daawashada kaamirooyinka ku xiran xarunta dawlada hoose. Muuqaal ka mida ayaa lagu arkey in haweenayda lagu tuhunsan yahay qaraxa oo uu baadhayo askari ka mida ilaalada xarunta.


Waxa jira shaki ah in qaraxa hore loogu sii diyaariyay hoolka inkastoo cadayn taasa aan weli jirin. Waxaan welli dhinaca kale natiijo fiican ka soo bixin su’aalaha lagu weydiinayo ilaalada iyo cidkasta oo joogtey goobta xilligaas.


Ilaa iyo hadda ma jirto xog rasmiya oo lala wadaagey shacabka inkastoo xogo kale loo gudbiyay madaxda dawlada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.