Ayadoo kooxda Xalane ee qasaysa dalka ay taageero u muujiyeen Maxamed Xuseen Rooble waayo waxay helayaan fursad kale oo ay ku yiraahdaan anaga la’aantayo ma heshiin karaan markaa waa inaan kordhisanaa joogitaankeena ayuu yiri Cali Calasow.
Laakiin sida xogta aan ku helayno safaarada Maraykanka oo hormood ka ah kooxdan sheegata beesha caalamka ayaa xalay khadka u gashay Maxamed Xuseen Rooble una sheegtay inay ka xun yihiin warqada uu soo qorey ee tilmaamaysa in sirdoonka laga saaro garoonka Muqdisho.
Maxamed Xuseen Rooble oo aan ogeynba warqada uu qoray 30 jir 30 milyan ayay la yaab ku noqotey isagoo sheegay inuu la hadli doono. ” kuma qanacsi ujeedada aad sheegtay inaad sirdoonka uga saarayso garoonka waayo waxa loo arkayaa inaan si hoose u furanayno gacankii madaarka ee nalaga xirey ayaa xogtu tilmaamaysaa.
30 jir 30 milyan ayaa la soo booday siyaasiinta mucaaradka ayaa lagu dhibaa, waxayse ku jawaabeen taas qiil maaha yaa marka kuu ilaalinaaya madaxda caalamka iyo amniga guud ee garoonka ayay ugu jawaabeen.
Si kastaba ha ahaatee Maxamed Xuseen Roobke oo hadda fowdo ku shaqeeya ayaa laga soo wariyay inuu yiri markii horeba way adkeyd in laga saaro madaarka.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS