08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Kulankii Golaha Dhexe Xisbiga waddani Ee Switzerland

17/07/2016   Waxa Magaalada Zürich Ee Caasimad Ganacsiyeedka, Dalka kan Switzerland ka Qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland.  Kulankaas oo  loosoo Agaasimay si heer Saraysa isla  mar ahaantaana, lagu Laffa gurayay Xaalada Xisbiga ee Wakhtigan Hadda lagu Gudo jiro   waxa Gundhig u ahaa Saddex Qodob,

oo kala ah.

1.Xisbiga Waddani, Qaybtiisa ka  hawl Gasha Dalka kan Switzerland ilaa iyo   Wakhtigii  dalkan lagaga Dhawaaqay oo ahayd 26/12/2015 maxaa u qabsoomay. Maxaase   Dhiman, oo aan wali la Qaban ama Qayb laga qabtay isla mar ahaantaana u Baahan Qabyatirid  ? Markii Qodobkaas Golaha Lagu soo Dhax tuuray waxa la isla Afgartay inay Xisbiga wax Badan u Qabsoomeen Laantiisan Switzerland laakiin taa Micnaheedu ayna Noqonayn Wax walba way Saxanyihiin waxana si Maamuusaysan  oo ay Sharafi ku Dheehantahay la isula Qaatay in Galdaloolooyinka  jira  la Gufeeyo waxa  Xusid Mudan Masuuliyiinta iyo Haldoorka, Madasha ku Kulmay oo ra,yi Xadaaradi ku Dheehantahay is Dhaafsanayay Run Edaabi ku jirtana ku wada Hadlayay  isla mar Ahaantaana, Ixtiraam iyo  is Qadarin wayn isu hayay .

 
2. Qodobka kale oo  Ahaa Sidii loo Dardar galin lahaa  Laamaha Xisbiga ee Dalkan ka jira  isku  Xidhkoodana loo Xoojin lahaa walaw ay Imikaba isku Xidhanyihiin  Shirka Golaha Dhexe iyada oo  markii la is Hogo tusaaleeyay la isla meel Dhigay in sida ugu  Dhaqsaha badan Laamaha Swisska ka jira ay Shaqadooda  u Libin laabaan Maadaama ay Doorashadii soo Dhawdahay iyada oo Qof walba oo Xisbiga ka mid ah looga Baahnyahay Doorka uu ku leeyahay Xisbiga inuu Kasoo baxo . Waxa ku sugnaa Madasha Gudoomiyaha Xisbiga Mudane  Maxamed Cisman Abokor  oo  si Mug leh usoo Bandhigay sidii Xisbigu uu Horumar la Taaban karo u Samayn lahaa isku Xidhkiisana looga wada Qaybqaadan lahaa   Waxa isna Ra,yigiisa Xalaasha ah Cabiray Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Laantiisa Switzerland Mudane Mawliid Cilmi Axmed (Seef) isaga oo isna Golaha Dhexe ku Tirtirsiiyay sidii ay Hawshooda u Gudan Lahaayeen  isla   Mar ahaantaana Xisbigu uu Dalka kan Switzerland uu Shacabka Degan ee Mabaa,diidiisa ku Qanacsan uu iskugu Keeni lahaa  Dhinaca kale waxa Madasha Goob joog ka ahaa Guurtida ama Musdanbeedka Xisbiga oo   laga xusi karo   Faysal Daa,uud  iyo Maxamud  Dheere Halkaas oo ay iyaguna kasoo Jeediyeen Talooyin wax ku ool ah oo Tii Guurti looga Bartay ah   iyaga oo Talo iyo Tusaalaba ku Kordhiyay Masuuliyiinta Xisbiga Kulana Taliyay isku Haynta iyo Hanashada Guusha ee Xisbiga Wadani. 
 
3.Waxa la isla Gorfeeyay sidii loo Qaban lahaa Shirwaynihii Xisbiga  Waddani ee Swisska  Waxana  loo Asteeyay 05/11/2016 Shirkaas oo ka Dhici Doona  Magaalo ganacsiyeedka Zürich ee Dalka Switzerland  iyada oo la isla Afgartay in la Sameeyo Gudidii Shirkaa Abaabuli Lahayd 
 
                                  Waxa in la Xusso Mudan, Dalkan Switzerland .Axsaabta Qaranka  Somaliland kaliya Xisbiga ka jira si Mug iyo Miisaan lehna
uga Muuqdaa inuu yahay Xisbiga Waddani 
 
                          Guntii,Gunaanadkii iyo Gabogabadii Shirkaasi wuxuu u Qabsoomay si Milgo, iyo Martabada sare leh Dhamaan kasoo Qaybgalayaashii, Golaha Dhexe ee Xisbigu waxay Madasha Shirka kasoo Bexeen iyaga oo aad iskugu Faraxsan isla Mar Ahaantaana Bogaadinaya siduu Shirkoodu ugu Qabsoomay.
 
 
                              Afhayeenka xisbiga waddani ee switzerland:maxamed maxamud shirdon.
                                            wabillaahi Tawfiiq .
bn cd
str nh iu