Wednesday, November 13th, 2019
header

Kurueeshiya oo garaacdey Ingiriiska oo daalay lana ciyaari doonta Faransiiska Axada

Kurueeshiya ayaa garaacdey Ingiriiska oo daalay lana ciyaari doonta Faransiiska maalinta Axada ciyaarta kama dambeysta oo ka dhici doonta garoonka weyn Lushniki ee caasimada Ruushka ee Moskava.



Ingiriiska ayaa ciyaarta qaybteeda hore wada shubey wixii tamar ku jirtey dhaliyayna gool horaantii ciyaarta. Intaas wixii ka dambeeyay ma keenin ciyaar wanaag iyo weerar tayo.

Ingiriiska oo ka liita dhinaca weerarka lahayna ciyaaryahano wax kala tuuri kara ayaa soo gaaray wareeg aan laga fileyn ayadoo ay ugu wacneyd in isku aadka hore u fududaa.

Kurueesha ayaa saartey culeys aad u adag taas oo keentay inay barbareeyaan.



Ugu dambeyn Kurueeshiya ayaa gool quusiyay ka dhaliyay lamana fileyn Ingiriisku inay ka soo kabtaan.

Kurueeshiya ayaa ciyaartta kama dambeysta u soo baxdey markii ugu horeysay taariikhdeeda ayadoo hore u timi wareega afraad. Waa dalyar oo ka mid ahaa Yuguslaviyadii hore ee kala burburtey asagoo soo quusiyay dalalka hore u soo qaadey kubadda aduunka.



Faransiiska ayaa la filayaa inay markii labaad ku guulaystaan ciyaarta koobka aduunka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Suldaan Wabar oo laga qaaday waraysi aanu cadayn mowqifkiisa

November, 12, 2019
Suldaan Wabar ayaa sheegay in rasaasayntii Boorama ka ...

Nin Isaaqa oo mujaahid sheegtay oo si kibirsan ula hadley Samaroon

November, 12, 2019
Nin Isaaqa oo mujaahid sheegtay oo u jawaabayay ...

Dawlada oo eriday laba warbaahin oo warxun ka faafin jirey dalka

November, 12, 2019
Wasaarada warfaafinta ayaa eriday laba shirkadood oo kuwa ...

Muuse Biixi oo gudiga doorashada Ka dhigey jug jug meeshaada joog

November, 12, 2019
Muuse Biixi ayaa dib u ansixiyay shaqsiyaad hore ...

Taxanaha Adeer Xabiib oo meel xasaasiya maraya: jacaylada oo gaari iibsaday

November, 11, 2019
Waa qayb kale taxanaha Adeer Xabiibi oo maraya ...

Dhacdooyinka

Turkiga oo war ka soo saaray qabashada haweenay la dhalatey argagixiskii Al-Baqdaadi

November, 5, 2019
Sirdoonka Turkiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ...

Syiaasi Cali Faarax oo Suldaan Wabar ka difaacay odayaal Muuse Biixi dhabarka soo taabtey

November, 4, 2019
Siyaasi Cali Faarax Cabdullahi ayaa jawaab kulul siiyay ...

Ciidamada jooga Guriceel iyo Matabaan waa ciidankii qaranka: Ahlu sunna

November, 4, 2019
Madaxa Ahlu suna Sheekh Shaakir ayaa waxba kama ...

Madaxa dawlada Somali galbeed oo booqdey fatahaada webiga Shabeele: SAWIRO

November, 4, 2019
Webiga Shabeele oo ka soo bilowda dawlada Somali ...

Turkiga oo ka qayliyay Qadar

November, 3, 2019
Turkiga iyo Qadar ayaa labaduba meelo badan isku ...

Xisbiga Wadani oo qarxiyay halis soo wajahday diyaarad Imaaraadku leeyahay

November, 3, 2019
Xisbiga Wadani ee Somaliland ayaa qarxiyay in diyaarad ...

Heshiiska dawlada iyo ahluna oo si weyn u dhaqan galay: SAWIRO

November, 3, 2019
Ciidanka dawlada ayaa saaka isku balaadhiyay degmada Guriceel ...