X

Kurueeshiya oo garaacdey Ingiriiska oo daalay lana ciyaari doonta Faransiiska Axada

Kurueeshiya ayaa garaacdey Ingiriiska oo daalay lana ciyaari doonta Faransiiska maalinta Axada ciyaarta kama dambeysta oo ka dhici doonta garoonka weyn Lushniki ee caasimada Ruushka ee Moskava.


Ingiriiska ayaa ciyaarta qaybteeda hore wada shubey wixii tamar ku jirtey dhaliyayna gool horaantii ciyaarta. Intaas wixii ka dambeeyay ma keenin ciyaar wanaag iyo weerar tayo.

Ingiriiska oo ka liita dhinaca weerarka lahayna ciyaaryahano wax kala tuuri kara ayaa soo gaaray wareeg aan laga fileyn ayadoo ay ugu wacneyd in isku aadka hore u fududaa.

Kurueesha ayaa saartey culeys aad u adag taas oo keentay inay barbareeyaan.


Ugu dambeyn Kurueeshiya ayaa gool quusiyay ka dhaliyay lamana fileyn Ingiriisku inay ka soo kabtaan.

Kurueeshiya ayaa ciyaartta kama dambeysta u soo baxdey markii ugu horeysay taariikhdeeda ayadoo hore u timi wareega afraad. Waa dalyar oo ka mid ahaa Yuguslaviyadii hore ee kala burburtey asagoo soo quusiyay dalalka hore u soo qaadey kubadda aduunka.


Faransiiska ayaa la filayaa inay markii labaad ku guulaystaan ciyaarta koobka aduunka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.