X

Kuruesha oo hilfaha u qaaday xulka Arjantiin oo aad u liitey

Kuruesha ayaa hilfaha u qaaday xulka qaranka Arjantiin oo aad u liitey. Ciyaarta ayaa Arjantiin ku bilaabeen firfircooni laakiin hadana isla markiiba waa daaleen waxayna u muuqdeen kuwo isdhiibey.



Ma jirin weeraradii lagu yaqaanay Arjantiin iyo kubadii xaragada lahayd, waxana ka faaiideystay xulla Kuruesha oo aan iyagu waxba iskula harin.

Goolhayaha Arjantiin oo ay ka jajabneyd ayaa kooxda si aada u sii niyadjebiyay markii uu si qaldan u laadey kadibna ay u gacan gashay weerarka Kuruesha oo si quruxleh uga dhaliyay goolka.



Goolkii labaad ayaa isla goolyaha ku guuldaraystey inuu xirto goolkiisa.

Ciyaarta ayaa Kuruesha ku guulaysatey 3 gool iyo eber. Arjantii ayaa ku sigatn inay ku harto wareega koowaad inkastoo Nayjeeriya oo liidata ay u hartey.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.