X

Kuuriyada Woqooyi oo tilmaantey cida ka masuula qaska Yukrayn

Kuuriyada Woqooyi ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiisada ka taagan Ruushka iyo reer galbeedka taas oo ku dhamaatey in Ruushku difaaco dadkiisa lagu xasuuqayo Yukrayn. Reer galbeedka qaarkood oo dabada u ruxaya Maraykanka ayaa ku soo rogey cunaqatayn Ruushka caadi u ahayd in muddo ahba.


Haddaba Kuuriyada Woqooyi oo ka mida wadamada ugu ciidanka badan adduunka ayaa ka hadashay xiisada Yukrayn iyo hawlgalka Ruushku ka wado. ”Mishkilada dhan waxa ka dambeeya waa kibirsanaha Maraykanka ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartey wasaarada arimaha dibedda.


”Waa muhiim in la fiiriyo halka ay ka unkatey qaskan waana inqilaankii ay Yukrayn ka rideen 2014 Maraykanku oo isla weynidiisa raba inuu awood ahaan ku tunto wadamada kale asagoo xaqiraya sida hadda Ruushka uu u xaqirayo. Waa laba wejiilayaal aan cidna ka qarsoomayn.



Dhinaca kale xilli cunaqatayn ay xerta Maraykanka uu dabada ku wataa ku soo rogeen Ruushka ayaa Shiinuhu dib u furay soo iibsiga qamadiga Ruushka oo awal xidhnaa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.