X

Ruushka oo farta ku fiiqay cida ka dambaysay inuu nukliyeerka heegan la geliyo

Wasaarada gaashaandhiga ayaa sheegay inay heegan geliyaan gantaalaha sida hubka nukliyeerka kadib markii uu amray madaxweyne Buutin. Ruushka oo farta ku fiiqay cida ku kaliftey inay heegan geliyaan hubkan khatarta ah ayaa sheegay inay masuul ka ahayd naagta wasiirka arimaha dibedda ka ah Ingiriiska oo jaahilnimo weyn lagu yaqaan.


”Waa naagta kala garan wayday gobolada Ruushka kuna tilmaantey inay ku yaalaan Yukrayn ayuu yiri Xuseen Warsame. Ingiriiska oo baqdin gashay ayaa sheegay in hadalka wasiirkooda aanu ku qasbayn Ruushka inay hubkaas faraha la galaan.


Ruushka ayaa sheegay inay hadda sii fududeeyeen nidaamka sida degdega ah loogu ridi karo gantaalaha Nukliyeerka oo hadda u baahn silsilad ka so bilaabmaysa madaxweynaha ilaa kan ugu hooseeya ee isagu haya badhanka.

Hadda waxa badhankaas haya waa wasiirka ugu sareeya arimaha nukliyeerka oo ridi kara ayadoo aanu amrin madaxweynuhu waase haddii dalka marka hore la soo weeraro

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.