X

Kuwii diley Naciimo Cabdi waa in deg deg waajibkooda loo mariyaa: Nimco Caarshe

Waxa shalay xukun dila lagu xukumey laba gacan ku dhiigle oo diley Naciimo Cabdi ayagoo adeegsaday ceejin kadibna taayir mariyay. Baadhitaan hordhaca ayaa lagu waayay kufsi, waxase qirtey iyaga.


Labadan gacan ku dhiigle ee qirtey inay dilkan foosha xun gaysteen ayaan isla shalayba waajibkooda la marin taas oo laga filan karo maamul uu hogaamiyo horjooge Siciid Deni ayuu yiri Cali Calasow.

”Kama xishoon oo xataa ma dafirin inay laba dembi oo waaweyn ku dhaceen, xataa kuma cibro qaadan dilalkii hore loogu fuliyay gacan ku dhiigleyaashi Caasha Ilyaas ayay tiri Nimco Cabdi Caarshe oo xuquuqda ugu qaabilsan maaulka Siciid Deni.


”Mashaakilku wuxuu ka taagan yahay gacan ku dhiigleyaashan ayaa hore loo marin waajibkooda ayuu yiri Cali Calasow. Dilalka gabdhaha yaryar oo inta badan la socda kufsi ayaad moodaa inay ku soo badanayaan gobolada Somaliya.

”Waa dhaqan inagu cusub oo ay keentay burburka ayuu yiri Cali Calasow sida wax looga qaban karaa waa in hore laga dilo meel fagaare dhalintana laga wacyi geliyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.