Fadeexada ugu weyn ee maamulka Siilaanyo ayaa ka sii dartey waxana jira la taliyeyaal magacaaban oo lacag qaata hadana aan waligood arag Siilaanyo.
Tani ayaa imanaysa in talada maamulka ay gacanta ku hayaan xer Siilaanyo ku wareegsan iyo xaaskiisa.
Cabdilaahi xaaji cumar “c/laahi jawaan” wuxuu ku magacownaa taliye madaxwaynaha ee doorashooyinka, waxaa uu shaaca ka qaaday in iyadoo lagu jiro xili doorasho aanu madaxwaynaha arag, marka laga reebo shir ay kulmeen mooyaane,
Dhinaca kale masuulkan ayaa sheegay in waxii talo ah doorashada ku saabsan uu cid gaara oo aanu magacaabin ugu dhiibi jiray,
Ma aha markii ugu horaysay ee masuul ka tirsan xukumaddu uu sheego in aanu arag siilaanyo, todobaad ka hor ayay ahayd markii uu wasiirka biyaha ee xilka laga qaaday uu sheegay in aanu afar bilood arag madaxwayne siilaanyo.
Geesta kale waxaa uu cadeeyay in awooddii dalku ay ku ururtay wiilka uu adeerka u yahay madaxwaynahu ee maxamuud xaashi.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
![jawaan[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/12/jawaan1-300x225.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay