X

Meydka 8 dhalinyara oo la soo dhigey deegaan u dhow Balcad

Waxa dadka deegaanka Galooley ee u dhow Balcad ay aad uga argagaxeen meydka 8 dhalinyaro ah oo la soo dhigey halkaasi. Dhalintan ayaa qaar ka mida laga yaqaanay magaalada Balcad.


Dilkan foosha xun ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan dhiigmiiratada shabaab oo ku jira ama ku dhuunta deegaanada u dhow Balcad.

Waxa la sheegay in dhalintan nolol maalmeedkooda ka soo saarayeen hay’ad ka shaqayn jirtey deegaanada u dhow Balcad isla markaana shalay la afduubtey.


”Keliya waxay ka xumaayeen shaqada dhalintaas bilaa camalka ah ay ka heleen hay’adaas oo aan badneyn laakiin argagixisadu ka xumaatey nolosha ay heleen ayuu yiri Xasan Qayroow oo degan Galooley.

Dhalinyarada bilaa shaqada ah ayaa u nugul argagixisada oo siiya shilimaad yar si ay isku qarxiyaan ama miinooyin u aasaan ummada.

Si kastaba ha ahaatee welli war rasmiya mayna soo saarin masuuliyiinta Balcad.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.