Thursday, October 17th, 2019
header

Laacibka Maxamed Saalax oo ka cadhoodey salaadii ciida oo aanu tukanin iyo sababta

Ciyaaryahanka Masaariga ah ee Maxamed Saalax ee u ciyaara kooxda Ingiriiska ee Liverpool ee dhawaanta uu horseedka ka ahaa inay ku guulaysato horyaalka naadiyada reer Yurub ayaa ka cadhoodey salaadii ciida oo aanu tukan. Masar ayay maanta kow u tahay ciidu.

Ciyaayahanka oo hadda jooga dalkiisa Masar kuna sugan tuuladiisa u dhow caasimada Qaahira ayaa dadku ku xoomeen gurigiisa taas oo booliisku dalbadey ciidan dheeraada si amnigiisa loo ilaaliyo.



Dadka ku soo xoomey gurigiisa ayaa ah dhamaan taageereyaashiisa mid walbana wuxuu rabaa inuu saxiix ka helo ama isla sawiro taasina waxay keentay amniga oo faraha ka bixi kara, xilli dalka ay ka jirto argagixisada kooxda gaaleynta ee Daacish.

Maxamed Saalax oo ka hadley ciida aanu tukanin ayaa si cadho u yiri ”Tani jacayl Kuma salaysna, waxana la yiraa xushmad daro iyo qofka oo laga qaadayo keli-joognimada, waana badownimo, waana tan aan gurigeyga uga bixi laahay si aan u tukado salaada.



Maxamed Saalaax ayaa Masar aad looga jecelyahay waxana lagu jeclaaday sadaqooyinka uu la baxo oo ay ku jiraan in tuulada uu jooga uu bixiyo kharashka ku baxa dadka is guursanaya, iyo baahiyaha dadka faqiirka ah oo Masar aad u badan.

Kuma koobna tuuladiisa wuxuuse si joogta ah wax uga gaystaa isbitaalada iyo xarumaha agoomaha ee dalka.



”Waan ka xumahay in anaga dartayo aad u tukan weydo salaada balse waan ku jecelahay ayuu yiri taageere isagu arki waayay kana mida dadka ku sugan dibedda guriga Maxamed Saalax.

Rasiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Hay’adda isku xirka bulshada ee Turkiga iyo mashruucyada ay Somaliya ka fuliso

October, 17, 2019
Hay'adda isku xirka bulshada ee Turkiga ee loo ...

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadley ujeedada safarkiisa Maraykanka

October, 16, 2019
Rasiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley ...

Taliye ka hadley sida RABI uga badbaadiyay isku day dil

October, 16, 2019
Sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska ee magaalada dilka ...

Maamulka Muuse Biixi oo ka hadley ciidan ka goostey

October, 16, 2019
Maamulka Somaliland ee uu Ka taliyo horjooge Muuse ...

Qisada qoys Holandays ah oo been loogu sheegay aduunyo gadoon oo la helay

October, 16, 2019
Tuulo ku taala dalkaasi Holand ayaa laga badbaadiyay ...

Dhacdooyinka

Dawlada Yaman oo wacad ku martey inay garaacdo Abu-dabay

September, 19, 2019
Dawlada Yaman ee ay hogaanka u hayaan Xuutiyiinta ...

Muuse Biixi oo hooyooyinka u sheegay inay muruqa muujiyaan

September, 17, 2019
Horjoogaha maamulka Somaliland oo Burco Ka furtey garoob ...

Safaarada Somaliya ee Kiiniya oo beenisay war jirdila

September, 15, 2019
Safaarada Somaliya ku leedahay Kiiniya ayaa beenisay in ...

Fadhiga suuli dahab ka samaysan oo la xaday iyo qiimaha uu taagnaa

September, 14, 2019
Fadhiga Musqul dahab Ka samaysan oo uu farsameeyay ...

Diyaarad bad ku dul socota iyo baylood bun ka daatey maxaa dhacay kadib?

September, 13, 2019
Diyaarad rakaab badan sida ayaa Ka soo duushey ...

Haad markii ugu horeysay ilmo yar ku cuney ismaamulka Somali Galbeed

September, 10, 2019
Haad ama galaydh kolba sida Somalidu u taqaano ...

Gabdho maqaayad ku leh Burco oo qarka u saaran inay ka guuraan magaalada: WARBIXIN

September, 7, 2019
Dhawaan ayay ahayd markii maqaayada Warsan ee magaalada ...