X

Laba argagixiso oo xukun ku dhacay

Maxkamada ciidanka ayaa xukun ku haboon ku riday laba ka tirsan dhiigmiiratada argagixisada shabaab oo waxyeelo u gaystey dad shacaba.


Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir  ayaa si toosa uga shaqayn jirey aaga Balcad iyo Basra oo ka tirsan Shabeelaha dhexe. Waxay dadka ku dhibi jireen aagaas.

Kadib weerar ay soo qaadeen ayaa labada dhiigmiirad lagu dhaawacay kadibna la qabtey. Labadan dhiigmiirad ayaa lagu xukumey xabsi daa’in, dhibka ay shacabka u gaysteen.


Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiirato sidana la xukumo inkastoo xabsiga dhexe ee Xamar ay lacag bixiyeen kadibna isku dayeen inay jabsadaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.