Laba haweena ayaa xalay lagu diley Gaalkacayo. Sida ay ku warameen dad ka ag dhawaa goobta haweenkan ehelka lagu diley ayaa sheegay in haweenkan la toogtey ayna garanayna sababta loo diley.
Labadan haween ayaa la sheegay in ay shaqo ka yimaadeen xilliga la toogtey ayagoona marayay goobta loo yaqaan isgoyska cusbada, waxayna ku socdeen hoygooda.
Dilkan ayaa imaanaya ayadoo dhawaanahan laga raystey rasaasta goosgooska ah ee magaalada ka dhici jirtey markasta maadaama la keenay ciidan qaran lagana gudbayo ciidan beeleedyada jooga.
Gabdhahan ayaa magacooda lagu sheegay Safiyo iyo Nadiifo. Ilaa hadda masuuliyiintu war kama saarin xasuuqan aan ahayn in baaritaan la bilaabay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay