X

Laba milyan xujaaja oo maanta taagan buurta Carafa iyo muhiimada ku duugan

Waa maalintii labaad ee xajka waxana muslimiin Ka badan Laba milyan ku daadageen  banka Carafa oo ay ku taalo buurta Carafa ee tuulada Mina oo ilaa 20 km u jirta Makka.


Inta badan waxa lagu tagaa basas. Waxa kale oo muslimiintu tagaan buurta raxmada oo ah halkii rasuulkeena csw uu Ka jeediyay khudbadii ugu dambeysay ee diintana lagu khadimay.


Waxa rasuulkeena csw khudbadaa cajiibka ah kaga Hadley xuquuqda dadka iyo sinaantooda. Isku duubnaanta muslimiinta oo aan jirin maanta. Wuxuu yihiin kaloo xasuusiyay muslimiinta markaa taagneyd xuquuqda haweenka oo hadda Sucuudiga iyo wadamada ku wareegsan si xun ugu tuntaan.


Wuxuu kaloo rasuulkeena csw sheegay in maalka iyo naftu ay yihiin wax la ilaashado. Hadda waxaan ognahay in  dhiigmiiratada kooxda gaalaynta muslimiinta ee shabaab iyo  kuwa la mida daacish ay xalaashadeen halmarna wada daadiyaan, weliba yiraa Allahu Akbar markey dilalka fushaan.


Muslimiinta ayaa markey Ka baxaan buurta Carafa u dhaadhaca meesha la yiraa Musdalifa ayagoo qaarkood lugeeya halka qaarna basas raacaan si ay todoba dhagxaan ugu tuuraan shaydaanka xilligaas u yimi Nabi Ibrahim cs.

Shaydaanka ayaa rabay inuu Nabi Ibrahim cs shiki Ka geliyo RABIGIISA.

Rabi ha inaga yeelo kuwii booqda ee awooda we guta waajibaadka xajka. Aamiin

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.