Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Laba suxufi oo ku dhintey xasuuqii argagixisada shabaab ee huteel Jasiira oo la aasay iyo sidey u dhinteen:SAWIRO

Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay laba suxufi oo mid noqdey dadkii ku dhintey weerarkii fuleynimo ee argagixisada shabaab ku qaaday huteel Jasiira oo ilaa hadda dhimashadu gaartey ilaa 13 qof.

Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta si wadajir ah kala qeyb qaatay bahda warfidiyeenka Soomaaliyeed iyo Telefishinka Universal aaska labo weriye oo u kala shaqeynayay telefishinka universal iyo Idaacadda SBC kuwaasoo ku geeriyooday weerarkii ishaliga ahaa ee ka dhacay Hutelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay falka naxariis darada ee lagu dilay Marxuum Maxamed Cabdikarim Macalim oo u shaqeynayay telefishinka Universal iyo Cabdixakim Maxamed Cumar oo ku geeriyooday qarax bambaano oo shalay ka dhacay banaanka Hutel Jasiira ee magaalada Muqdisho, halka weriye Salmaan Saciid uu dhaawac wejiga iyo gacanta bidix ka soo gaaray, haatana lagu dabiibayo isbitalka Madiina ee Muqdisho.

Marxuum Maxamed Cabdikarim ayaa Muqdisho ku sugnaa muddo todobaad ah, sida uu noo xaqiijiyay Agaasimaha Bariga Africa ee Telefishinka Universal, Cabdullahi Xersi, waxaana marka shilku ku dhacay isaga iyo Salmaan Saciid ay garoonka ka dooneen weriye Cabdixakiim Maxamed Cumar oo markii ay garoonka soo laabtay masiibada kula dhacday markii ay marayeen agagaarka hotelka Jazeera.

Marxuum Cabdixakiim Maxamed Cumar ayaa meydkiisa la helay habeenimadii Axadda abaaro 9:30fiidnimo, kolkaas oo markii ay suxufiyiin Soomaaliyeed ku soo wargeliyeen Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ay dadaalo badan kadib suurogashay in meydka goobta laga qaado oo la geeyo isbitalka.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Md. Maxamed Ibrahim oo aaska kala qeyb galay suxufiyiin tiro badan oo ka dhacayay qabuuraha dugsiga Tababarka ee Gen. Kaahiye ayaa ku tilmaamay falkaasi lagu dilay labadaasi weriye mid arxan darro ah, uguna baaqay suxufiyiinta inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

dfa-2[1] dfa-3[1] dfa-4[1] dfa-5[1] dfa-6[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...