X

Dawlada Somaliya oo sheegtay xilliga la bilaabayo shidaal baadhista badda

Kadib markii dawlada Somaliya sheegtay inay ka heshay lacagtii ugu horeysay xirmooyin shidaal oo u xirnaa shirkado muddo 30 sanno ka badan ayaa wasiirkeeda macdanta shaaciyay xilliga la bilaabayo ruqsad bixinta.


Shirkadaha ka faaiideysan doona ruqsad bixinta ayaa ah kuwa reer galbeedka sida shariikadaha waaweyn ee Maraykanka ee iyagu bixiyay lacagtaas yar.

ā€¯Waxaan bilaabaynaa ruqsad bixinta bisha soo socota, waxana shirkadaha shidaal baarista ka bilaabi doonaan badda Somaliya oo ka baxsan inta Kiiniya damacdey ayuu yiri wasiirka oo ka hadlay shir batroolka looga hadlaayay.


Somaliya ayaa waxa xuurto ku haysta dalalka reer galbeedka oo aan dooneyn in dawlad rasmi ah ka dhalato halkaas oo ay u soo raaceen Carabta oo ay ugu horeeyaan wahaabiyiinta Sucuudiga iyo Imaaraadka.


Lama sheegin sida ruqsada u shaqayn doonto iyo lacagaha ay bixiyeen iyo kuwa ay bixin doonaan shariikadahaas.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.