X

Lacag kugu soo qaldantey sideed ka yeeli lahayd?

Haddii lacag kugu soo qaldanto adoo yaaban sidee ka yeeli lahayd? Waa qisada nin Ruusha oo lacag malaayiina ku soo qaldantey kadibna ugu raaxaystey sidii si isagu ku soo dhidhidey oo kale.


Roman Yurkof waa khamaariiste aan ka fogaan meelaha khamaarka lagu dheelo, waxase subax caadiya oo uu soo toosay noqday milyaneer kadib markii lacag soo qaldantey uu ku arkay keydkiisa bangiga.

”Lacag ayaan is iri kala bax keydka bangiga waana subax kadibna waxaan arkay lacag aad u farabadan oo ku jirta keydkeyga, waxaan isla markiiba wacay bangiga oo aan weydiiyay in keydkayga bangiga ay caadi yihiin, waxayna ii sheegeen inayna arag wax qalada ayuu yiri Roman.


Maalmo kadib wuxuu bilaabay inuu guryo iyo gawaadhi ka iibsado lacagta iyo weliba telfoonka IPHONE oo xagayaga qaali ku ah. Wuxuu haddana wacay bangigiisa waxana loo sheegay in wax walba caadi yihiin.


”Waxaan weligey u malaynaayay markaan lacagtan gaaraysa halka milyan iyo badhka doolar rkay inay tahay lacag ay ii soo direen kuwa khamaarka oo aan maalin kasta ciyaaro ayuu yiri Roman.

Haddaba bishii Noofembar ayaa loo wacay oo bangigu u wacay isagoo loo sheegay inay rabaan inay arkaan kadibna isla halkii ayaa lagu xirey ayuu yiri qareenkiisa.


Roman ayaa isagu qaba inaanu haba yaraatee gelin wax dembi ah oo u dhowr jeer la hadlay bangiga markastana wax kasta caadi loogu sheegay. Qareenkiisa ayaa diidmo ka qaatey xukunka xadhiga ee lagu dhawaaqay markii maxkamad la geeyay oo ah lix bilood.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.