X

Sacuudiga oo markii ugu horeysay bilaabay xidhida raga haweenka caaya

Kadib is-bedel qoto dheer oo uu la yimi dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Salmaan ee dalka dib loogu celinayo diinta saxda ah ayaa sirdoonka Sucuudiga dhinaca baraha bulshada uu soo qabtey Sucuudi gabdhaha cay u kala daraya.


”Waa markii ugu horeysay oo Sucuudi loo soo qabto gabadh uu caayay ayuu yiri Tariq Xumaadi. Awal iyaga ayaa la saari jirey fidnada oo dhan.

Sirdoonka ayaa sheegay in muddo dhee kadib la soo qabtey ninkan Sucuudiga ah oo si aada uga soo horjeeda haweenka Sucuudiga ee shaqo tagey ee hadda loo ogolaadey inay gaari kaxayn karaan, taysaro qaadan karaan, baasaboorna dalban karaan.


Ninkan la soo qabtey ayaa la sheegay inuu 60 jir yahay, cayna u daldali jirey haweenka shaqeeya asagoo isticmaalaya baraha bulshada.

”Ugu dambeyn waxaan dareemayaa in haweenka Sucuudigu heli doonaan xaquuqda ay u leeyihiin amni inay helaan ayuu raaciyay Tariq.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.