November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Lawyacado oo noqotay meel ay ku hirdamaan Ismaaciil Cumar Geelle iyo Siilaanyo iyo dad Siilaanyo celiyay

yeLawyacado–Xadka gobolka Awdal iyo Jabuuti ayaa xidhnaa maalmahan iyadoo dad shalay laga soo daayay dhinaca Jabuuti ay kooxda Siilaanyo dib ugu celisay Jabuuti iyagoo dadka reer Adal ka dhiganaya shax ay kolba dhinac u tuuraan.

Wafti Siilaanyo u diray Lawyacado ayaa faromadhnaan la soo diray waxana laga aargoostey dadka reer Adal ee deegaankooda jooga.

Jabuuti ayaa xadkeeda sheegtay in ay u xidhatay xilli argagixisada shabaab ay xasuuqeen muslimiin Somali ah magaalada Muqdisho iyadoo argagixisada inteeba badan ay ka imanayaan dhulka gooni goosadku joogo.

Waxa kale oo jira in dadka Jabuuti iska soo baadhay in kooxda Siilaanyo amar ku bixiyeen in dib loo celiyo dadkaas oo u badan dadka reer Adal ee isku kala gooshaya dhulkooda.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS