X

Liibiya oo rasaas la dhacday tahriibeyaal iyo dhimashada 6 ka mida

Ciidanka amniga ee Libiya ayaa rasaas la dhacay tahriibeyaal ku sugan xaafad ka mida caasimada burburtey ee Tiriboli. Rasaastan ciidanku furey ayaa waxa ku dhimatey 6 ka mida tahriibeyaasha sida ay sheegtay hay’adda socdaalka.


Rasaasta ay askartu fureen ayaa timi markii ciidanku bilaabay inuu soo aruuriyo dadka tahriibeyaasha ah oo intooda badan baad loo qaado guryaha magaalada iyo xerooyin oodan.


Kadib waxa dhacay in qaar ka mida ay baxsadaan. Lixda dhalinyaro ee ay dileen ayaan la sheegin wadanka ay ka soo jeedaan waxase la sheegay inay u badan tahay wadamada Eritariya iyo galbeedka Afrka.


Xerada loogu talogalay in lagu xerooyo ayaa qaada kun qof waxase la isugu aruuriyay 3000 kun oo qof.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.