X

Liiska ay xasuuqday argagixisada shabaab iyo inta dhaawaca ee masuuliyiinta oo la xaqiijay

 

 

Muqdisho–Weerarkii fulaynimo ee argagixisada shabaab u gaysatay dad u soo baxay in ay gutaan waajibkoodii diimeed ee masuuliyiinta ah oo la xaqiijay. Weerarkii maanta ayaa dhacay iyadoo fashil uu ku yimi sirdoonka Somaliya oo xataa ilaalin waayay goobaha madaxdu tageyso.

Liiska dhaawaca ee masuuliyiinta waxa ka mida: Allaha caafiyo

Wasiirka Dekaddaha Nuur Faarax Xersi
Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar
Wasiir hore C/raxmaan Maxamed Bangax
Maxamuud Axmed Guddoomiyihii Degmada Balcad
Salaad Cali Jeelle (Dhawac Fudud)
Cali Jaamac Jangeli Wasiirka Duulista hawada

Liiska ku dhintey xasuuqii argagixisada shabaab: Allaha u naxariisto iyo dambi dhaaf:

Maxamed Aadan Guuleed (Caanageel) guddoomiye ku xigenkii Gobolka Banaadir
Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug )
Xildhibaan Maxamud Ducaale Muse Xaaji Kafee (Xildhibaankii bedelay Saado Cali Warsame oo sanadkii hore kooxo hubeysan ay ku dileen agagaarka hotel ay deganeyd)
C/shakuur Mire Aadan “Guddoomiyaha kuxigeenka Xisbiga Daljir”

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.