Wednesday, May 8th, 2024
header










Meta







Ma garan karo waxa askarta Turkidu ku dhimanayaan: Madaxweyne Bashaar Asad

Madaxweynaha Siiriya Bashaar Asad ee dalkiisa ay burburiyeen Maraykanka, Sucuudiga iyo Turkiga ayaa sheegay inaanu garanayn waxa Turkida soo gashay gobolkiisa Idlib ku dhimanayaan.



”Turkida waa dad aan walaalo nahay ma jirto wax naga dhexeeya, waan is guursanaa, Siiriya ayay degan yihiin anaguna dhinaca kale ayan deganahay, marka ma garan karo wax aan isku dilno ayuu yiri Bashaar Asad oo dalkiisa uu badbaadiyay Ruushku.



7 Sanno ayay ahayd markii kacdoon koobnaa ee bugta dimoqraadiga lagu rabay ay ka faaiideystaan ururka akhwaan Muslimiinta iyo argagixisada Daacish ee Sucuudiga, Yuhuuda iyo Maraykanku ku adeegtaan. Waxa hilfaha loo qaaday Siiriya oo loo kala goosgoostey qurub qurub ilaa Ruushku ka soo gaaray.



Waxa ugu dambeyn argagixisadii lagu soo aruuriyay gobol xad la leh Turkiga. Argagixisada ayaa u badnaa kuwa akhwaanka ee Dayib Erduqaan taageero iyo kuwa Sucuudiga, Yuhuuda iyo Maraykanku taageeraan ee Daacish.

Ujeedada ayaa ahayd in la badbaadiyo dadka shacabka ee ay ku dhuuntaan iyo rasaasta ay ka soo ridaan guryaha dadkii ay qixiyeen. Tii waa lagu guulaystey waxana la xoreeyay dalka intiisa kale.



Siiriya ayaa rabtey inay argagixisada halka gobol lagu aruuriyay ay ka sifeyso, waxase soo boodey Dayib Erduqaan oo soo galay Siiriya amar la’aan si u dhiig u daadiyo.



Madaxweynaha Siiriya ayaa leh ma garan karo waxa Turkidu ku dhimanayaan uu Dayib Erduqaan soo wado. Dayib Erduqaan oo isku soo dhiibey Ruushka markii xulafadii uu ku jirey soo tufeen ayaa beri oo Khamiisa kulan la leh madaxweyne Buutin.

Wuxuu rajaynayaa inuu bustaha ku qariyo oo ugu yaraan intii ay hore ugu heshiiyeen in ka yar gacanta loo soo saaro gobolka Idlib.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS