X

Ma garan karo waxa Hargeysa iyo Burco looga dabaaldegay: WAXGARAD

Waxa maanta Hargeysa iyo Burco aad loo soo bixiyay ardayda dugsiyada iyo shaqaalaha u shaqeeya maamulka oo loo sheegay haddayna soo bixin in booska lagu bedeli doonto jufada Muuse handaraab ayuu yiri Xuseen Warsame.


”Waxaan ilaa hadda is weydiiyaa maxaa ardayda gaajaysan dibedda loogu soo saaray, waxa lagu faraxsanaa muxuu ahaa ilayn waxa la farxaa marka noloshaada uu isbedel weyn ku yimaado ayuu qabaa Xirsi Warfaa.

”Haddii la leeyahay 16 gaal ayaa Ingiriis ka sheegayay inay rabaan in Somalilaan la aqoonsado oo haddana laga diiday taas ma maxay tahay wax loo dabaaldego ayuu raaciyay Xuseen Warsame weliba caruurta la soo dhibey koob shaah lama siin, waxayna taagnaayeen cadceed ayagoo bila quraaca.


Weligay ma arag waqti lumisd intaa leeg oo horjooge Muuse Biixi dadka uga lumiyay intii ay wax ka qiimo badan qabsan lahaayeen. ayyuu yiri siyaasi ka tirsan xisbiga UCID. Reer Woqooyigu iyagaa u baahan inay is ictiraafaan ayuu raaciyay siyaasiga xisbiga Ucid ee qariya magaciisa.



Waxaan arkaayay Boorama oo ardayda dugsiyada l soo safay oo hal arday aanu sidan calanka beesha dhexe ayuu yidhi Maxamuud Cilmi oo arkay waxa socday. Macalimiinta dugsiyada Hargeysa qaarkood ayaa loo hanjabay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.