X

Ma jiro kulan ilaa hadda la qorsheeyay oo dhexmaraya madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru: Dubbe

Dawlada Somaliya ayaa beenisay warar la isla dhexmaraayo oo sheegaya inuu jiro kulan Qadar ku dhexmaraaya madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru. Dawlada Qadar ayaa qayb ka ahayd dib u soo celinta xiriirka Kiiniya iyo Somaliya.


“Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kiiniya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhawaantan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kiiiya ay hadda kulmayaan Qadar.”ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Dacwada badda


Qabqableyaasha Hawiye ee sheegan jirey musharixiinta sida xuna u fashilmey ayaa suuqa soo gashaday in dacwada badda ee dhamnaatey looga wada hadli doono kulano la filayo inuu dhexmaro dawlada Somaliya iyo Kiiniya.


“Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda ayuu raacuyay wasiir Dubbe.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.