X

Ma Karoona 21 ayaa ka dilaacay Koofur Afrika?

Ururka caafimaadka Aduunka ayaa hargabka cusub ee Karoona u bixisay OMICORN. Noocan cusub oo laga qayliyay ayaa la sheegayaa inuu ka dilaacay dalka Botuswaana inkastoo ay dhici karto inuu ka yimi meelkale.


Ururka caafimaadka aduunka ayaa ka digey in degdeg loo xidho ganacsiga maadaama aan welli la garanayn sida cudurkan u faafayo. Wadamada aduunka ayuu hadda badankooda gaaray.

Haddaba ma Karoona 21-baa ayadoo kii Hindida loo bixiyay Karoona 2o, muxuuse kaga duwan yahay kuwii hore?


Ururka caafimaadka aduunka ayaa iyagu leh wuxuu kaga duwan yahay kuwii hore wuxuu leeyahay dheecaano farabadan oo isbabedelaya taas oo adkaynaysa nooca daawada ee la qaadanayo waayo marka laga hortaga cudurka waxa daawada lagu beegaa dheecaanka uu leeyahay si jidhku u ogaado.



Waxay sheegeen sidii kii Hindida inuu si aada u faafayo laakiin ilaa hadda aan la ogeyn inuu ka daran yahay. Waxay intaas raaciyeen in Koofur Afrika gobol ka mida uu hadda boqolkiiba 90 yahay noocan cusub.

Sida keliya ee looga hortagi karo cudurkan iyo kuwa cusuba waxa ay tahay inaad RABIGAAGA ka hoosgasho aadna ku xidhnaato.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.