X

Somali shirkad Turki ah ka guulaystay loona xukumay 4200 oo doolar

Shirkada xukunta madaarka Muqdisho ee Favori lagana leeyahay dalkaasi Turkiga ayaa lagu xukumay inay bixiso $4200 doolarka Maraykanka ah oo ah xaquuqda ka maqan muwaadin Somali ah oo ay eriday. Muwaadinak ayaa bilaa shaqo ah muddo 14 bilooda.


Waxa la sheegay inay shirkadu eriday Abshir Xasan Cabdulle kadib markii cabasho ahaayeen sameeyeen isku soo bixid. Maxkamada gobolka Banaadir ayaa u markii hore u xukuntey xaquuqda ninkan waxase shirkadu ka qaadatey diidmo.


Waxa laysla tagay maxkamada sare taas oo iyaduna ku raacday xukunkii ay riday maxkamada gobolka Banaadir. Dhacdadaan ugubka ah ayaa dib u soo celinaysa xaquuqda muwaadiniinta Somalida ee ay ku tuntaan shirkadaha ka dhergay dalka ee ajaanibta ah ayuu yiri Cali Calasow.



Qareenka muwaadinkan Somaliga oo lagu magacaabo ayaa sheegay inay ka rajaynayaan shirkada inay qadariso sharciga oo ay bixiso lacagta lagu xukumay muwaadinkana shaqadiisa u soo celiso.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.