X

Ma shirbaa waxa ka dhacaya Garoowe mise dibiro dhacsi

Waa arinta aan la yaabay ayuu yiri in dood aan la garanayn waxay tahay laysku casuumo ayadoo cida qabanaysa aan la garanayn cida ay yihiin iyo ujeedooyinka ay leeyihiin ayuu yiri Cali Calasow.

Waxaan markii ugu horeysay is weydiiyay waa ayo kooxdan la baxday magaca Ingiriiska ee Heritage. Waxaanba fahmi waayay magaca waxase ii soo baxday inay yihiin shaqsiyaad aragti fog aan lahayn misana ku xiran dawlado shisheeye.


Tusaale waxa jira doodo ay ku qabteen Jabuuti oo aan loo maamulin si Somalinimo ku jirto iyo dadka la rabo inay doodaas wadaagaan oo aan lagu casuumin. Waxase doodaas loogu magac daray Woqooyi iyo Koofur halka ay ahayd in dadka reer Woqooyigu wada hadlaan.

”Waxaad ka garan kartaa sida loogu yaacayo inaan laga hadlayn dan Somaliyeed laakiin keliya ay tahay mid shaqsiyeed, waxaanad is weydiin kartaa waxa xilligan loogu baahdey xilli Somali badan haysan waxay cunaaan.


”Waa DIBIRO DHACSI wax kale kuma tilmaami karo ayuu yiri Xuseen Warsame. Kaaga daran wax ka soo baxaya ma jirto marka miyayna ahayn dibiro dhacsi ayuu raaciyay Xusen Warsame. Sawirka kooxda magacan soo dhigatey ayaaba kaa nixinaya in aanu ahayn mid qaranimada loogu adeegayo ee lagu weerarayo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.